Madaxa xisbiga Narc-Kenya Martha Karua ayaa ku hanjabtay in ay guddiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqul aadanaha dacwado u gudbin doonto.
Waxay dowladda ku eedeynaysa in xilligii dibadbaxyadii dhacay lagu xadgudbay xuquuqul insaanka taasina aan weli lagula xisaabtamin saraakiisha ammaanka.
Martha Karua ayaa ciidamada booliiska ku eedeysay in ay gaysteen afduubyo , xabsi geyn aan loo fiirsan iyo dilal ay qasab tahay in loo qabto.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in laamaha ammaanka ay qaab sharci darro ah uga falceliyeen mudaaharaadyadii waddanka ka dhacay.