Ugu yaraan 47 qof oo lagu dilay Qaza

0
291

Ilo wareedyada caafimaadka ee Qaza ayaa sheegaya in tan iyo waabarigii maanta ay Israa’iil dishay ugu yaraan 47 ruux.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil sare u sii qaadday howlgallada militari ee ay ka waddo magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza iyo Khan Younis oo ku taalla dhanka Koonfureed.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 40,265 ruux ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 93,144 oo kale.