Kakamega :Nin dhawaan walaalkiisa dilay oo gacanta lagu dhigay

0
399

Denmark Muchiti, oo dhawaan ismaamulka Kakamega ku dilay walaalkiisa oo ahaa ciyaaryahaan daafac uga dheelayay kooxda ka dheesha horyaalka Kenya Premier League ah Kakamega Homeboyz FC Silas Abungana, ayaa la xiray ka dib markii uu baxsad ahaa.
Booliisku waxay xaqiijiyeen in Muchiti, oo ah walaalka ka yar ee ciyaaryahaanka dhintay , uu baxsaday ka dib dhacdada laakiin hadda xabsiga ayaa la dhigay iyadoo baaritaannadu ay socdaan.