Mareykanka oo dib u furay hawada diyaaradaha kadib hakad saameeyay duulimaadyada dalka oo dhan

0
22

Hay’adda Duulista Hawada ee Mareykanka (FAA) ayaa dib u furtay hawada dalkaasi, kadib markii hakad la geliyay dhammaan duulimaadyadii ka amba-baxayay garoomada diyaaradaha ee dalka.
Hay’addu waxay sheegtay in hawada dib loo furay 8:15 fiidnimo waqtiga Mareykanka, iyadoo sababta hakadka ku tilmaantay qalab duugoobay oo loo adeegsado nidaamka hagista diyaaradaha.
Hakadkan ayaa markii hore la dhaqan-geliyay 3:54 galabnimo, kadib cilad dhanka isgaarsiinta ah oo saameysay xarumaha hagista iyo maareynta duulimaadyada.
Dib u furista hawada ayaa suuragelisay in duulimaadyadu dib u bilaabaan howlahoodii caadiga ahaa.