Wasiirka Waxbarashada Iiraan ayaa sheegay in 775 ka mid ah 1,300 dugsi oo ku waxyeelloobay weerarro ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil dib loo dayactiray, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA.
Wasiir, Cali Reza Kazemi, ayaa xusay in qiyaastii 20 dugsi ay si buuxda u burbureen, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay gobollada Tehran, Kermanshah, Isfahan iyo Hormozgan. Waxaa uu intaa ku daray in dayactirka dugsiyada sida daran u waxyeelloobay la filayo in la dhammaystiro bisha October ee sanadkan.
Kazemi ayaa sheegay in inkastoo weerarrada ay jireen, waxbarashada ay sii socotay muddadii dagaalka, iyadoo la adeegsanayay fasallo toos ah iyo kuwo fogaan arag ah, oo ay ku jirto barnaamijka Telefishinka Waxbarashada Iiraan.
Sidoo kale, waxaa uu xusay in la bixiyay adeegyo latalin nafsiyeed, isla markaana dugsiyada ay qabteen munaasabado xusuus ah oo loo sameeyay 170 qof oo ku dhintay weerar gantaal oo lagu qaaday Dugsiga Gabdhaha Shajareh Tayyebeh ee Minab, kuwaas oo intooda badan ahaa arday iyo macallimiin.




