Warbaahinta rasmiga ah ee garsoorka Iiraan ee Mizan, ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda difaaca madaniga ah ee dalkaas la toogtay ka dib markii lagu helay dambiyo basaasnimo oo uu u sameynayay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Mehdi Farid ayaa hayay xil maamul oo ka tirsan xafiiska dowladda ee difaaca madaniga ah. Sida ay sheegtay warbaahinta Mizan, Maxkamadda Sare ee Iiraan ayaa xaqiijisay xukunkiisa ka dib rafcaan uu qaatay.
Intii lagu guda jiray baaritaannada, Farid ayaa qirtay inuu isku dayay inuu gudbiyo xog xasaasi ah oo ku saabsan hay’adaha amniga Iiraan, oo ay ku jiraan qaab dhismeedka ururrada, naqshadaha dhismayaasha gudaha, xogta xaruumaha difaaca, iyo diiwaannada shaqaalaha.
Iiraan ayaa sheegtay in kiiskan uu ka mid yahay dadaallada ay kula dagaallamayso basaasnimada iyo xiriirrada la sheegay inay la leeyihiin Israa’iil, iyadoo maxkamadaha ay sii wadaan dacwadaha la xiriira arrimaha amniga qaranka.




