In ka badan 36 qof oo lagu dilay Qaza

0
193

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay ugu yaraan 36 ruux oo Falastiiniyiin ah ay ku dileen weerarro ay ka gaysteen Qaza.
Wakaaladda wararka rasmiga ee dowladda Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in dadkan badankooda lagu dilay dhanka Waqooyi ee Marinka Qaza.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ku dhintay duullaanka militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa ugu yaraan 45,484 ruux iyadoo la dhaawacay 108,090 kale.