Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerarro lagu qaaday 27 saldhig oo Maraykan ah

0
403

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in ay wadaan mowjado weerarro ah, iyagoo ka aargoosanaya duqeymaha Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhacay Iiraan, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.
IRGC ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerarro “gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn” oo baaxad leh, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo milatari oo Maraykan ah iyo kuwo Israa’iil oo ku yaalla gobolka. Waxaa la weeraray 27 saldhig oo Maraykan ah, garoonka diyaaradaha ee Tel Nof, xaruunta taliska ciidamada Israa’iil ee HaKirya oo ku taal Tel Aviv, iyo warshad weyn oo difaaca ah oo isla magaalada ku taalla.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa intaa ku daray in xoogagga Iiraan ay qaadi doonaan “tallaabo aargoosi oo ka duwan kuwii hore oo leh jeexitaan is daba joog ah oo murugo leh”.
Duqeynta Maraykanka iyo Israa’iil ee iskuul ku yaalla koonfurta magaalada Minab ee Iiraan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 148 qof, halka 95 kalena ay ku dhaawacmeen.