Iiraan oo xaqiijisay dilka Mousavi iyo Nasirzadeh

0
381

Warbaahinta IRNA ayaa sheegtay in taliyihii ciidamada qalabka sida ee Iiraan Cabdul Rahim Mousavi, iyo Wasiirkii Difaaca Aziz Nasirzadeh lagu dilay weeraradii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan Sabtidii.
Iiraan ayaa sidoo kale xaqiijisay dilka Alle haunaxaristee hoggaamiyihii sare ee dalkaas Ayatollah Cali Khamenei, la taliyihiisa amniga, Cali Shamkhani, iyo sidoo kale taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka ah ee IRGC Maxammad Pakpour.
IRNA ayaa sheegtay in taliyayaal badan oo ciidamada qalabka sida ah sidoo kale la dilay, magacyadoodana dib laga shaacin doono.