DAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in waxqabadkiisa dib loogu dooran doono 2027

0
198

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in shacabka ay sanadka 2027-da dib u dooran doonaan iyagoo ku qiimeynaya waxqabadkiisa.
Waxaa uu siyaasiyiinta mucaaradka ka dalbaday in ay soo bandhigaan waxqabadkooda si ay isaga ula tartamaan.
William Ruto ayaa dhanka kale munaasabad kaniiseed oo uu uga qayb galay ismaamulka Murang’a ka sheegay in sanadka soo socdo la dhameystiri doono waddooyinka MauMau ee aaggaasi oo uu xusay in loo qoondeeyay 2 bilyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in aan loo baahnayn cuqdad, isqabqabsi, qabyaalad iyo aflagaado balse waxqabad muuqda.

Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa saamileyda tacliinta ka codsaday in ay mudnaanta siiyaan waxbarashada carruurta .
Waxaa uu guddiyada maamulo dugsiyada ee BOM kula taliyey in ay si dhow ula shaqeeyaan macallimiinta si ardayda ay fursad ugu helaan waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in aan lagu tagriifalin lacagaha ay dowladdu ugu talagashay howlaha waxbarashada.