Howlgal ka dhan ah badeecooyinka sharci-darrada ah oo lagu qabtay sonkor badan Bungoma

0
6

Baarayaal ka tirsan DCI-da Kenya ayaa howlgal ka dhan ah badeecooyinka aan canshuurta laga bixin ka sameeyay deegaanka Bukembe Shopping Centre ee ismaamulka Bungoma, halkaas oo lagu helay shabakad looga shakisan yahay inay si sharci-darro ah u baakadaysay una suuq-geynaysay sonkor.
Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen saraakiil ka tirsan OSU iyo DCI koonfurta Bungoma ayaa lagu beegsaday goob lala xiriirinayo nin lagu magacaabo Paul Mwangi.
Baarayaasha ayaa goobta ka helay 76 jawaan oo sonkor ah, midkiiba 50 kiiloogaraam, oo ah West Valley Sugar, iyo sagaal jawaan oo sonkor ah oo horay loogu baakadeeyay jawaano wata magacyo Shiineys ah.
Sidoo kale, booliska ayaa helay 10 jawaan oo maran, midkiiba 50 kiiloogaraam, kuwaas oo ku qornaa magaca Mayuge Sugar oo ah summad sonkor oo laga leeyahay Uganda.
Arrintan ayaa sii xoojisay shakiga ah in goobta loo adeegsanayay in sonkorta dib loogu baakadeeyo loona bixiyo magacyo kala duwan.
Baaritaan lagu sameeyay gaari nooca Nissan Vanette ah oo midabkiisu yahay caddaan, laguna diiwaangeliyay KDG 347E, oo lala xiriirinayo tuhmanaha, ayaa lagu helay 26 jawaan oo kale oo West Valley Sugar ah, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo waday gaadiid iyo qaybinta.
Baarayaasha ayaa sidoo kale tagay bakhaar uu tuhmanuhu leeyahay oo ku yaalla koonfurta Bukembe Shopping Centre, halkaas oo ay ka heleen 98 jawaan oo kale oo sonkor ah, iyo 1,700 jawaan oo maran oo ay ku qoran tahay West Valley Sugar.
Saraakiisha baarista goobaha dambiyada ayaa diiwaangeliyay dhammaan wixii laga helay goobta, waxaana alaabtii la qabtay lagu keydiyay si loogu sii wado baaritaannada.
Paul Mwangi ayaa weli ku jira gacanta booliska, iyadoo baarayaashu ay isku dayayaan inay ogaadaan baaxadda shabakadda looga shakisan yahay iyo meelaha ay ka hesho iyo halka ay u qaybiso badeecadaha.
Hay’adda DCI ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada lagu ilaalinayo macaamiisha, lagu difaacayo ganacsatada sharciga ku shaqeysta, laguna burburinayo shabakadaha ka ganacsada badeecooyinka aan canshuurta laga bixin iyo kuwa si sharci-darro ah dib loogu baakadeeyo.