Shiinaha oo sheegay in iskaashigiisa Iran uu waafaqsan yahay sharciga caalamiga ah.

0
96

Iyadoo ka hadlaysa cunaqabatayntii ugu dambeysay ee Mareykanku saaray Iran, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in iskaashiga ay Tehran la leedahay uu mar walba waafaqsanaa qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah.
Shiinaha waa dalka ugu weyn ee Iran la ganacsada, isagoo iibsada qaybta ugu badan ee saliidda dalkaas.
Shiinaha ayaa si joogto ah ugu baaqayay wadahadal lagu soo afjaro dagaalka, isagoo ku doodaya in cunaqabataynta iyo hanjabaaduhu aysan xallin doonin khilaafka.
Isniintii, Beijing waxay sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta “xuquuqdeeda iyo danahaheeda sharciga ah.”