Taliyaha Guud ee Adeegga Booliska Qaranka Kenya, Douglas Kanja, ayaa kormeeray dhoolla-tuska tijaabada ah ee ciidamada booliska cusub, kaas oo ka dhacay Xarunta Kulliyadda Booliska Qaranka ee Kiganjo, ismaamulka Nyeri.
Dhoolla-tuskan ayaa loo qabtay diyaar-garowga munaasabadda qalin-jabinta iyo dhaarinta ciidamada cusub oo lagu wado inay dhacdo 28-ka Agoosto 2026.
Kanja ayaa ciidamada ku ammaanay anshaxa, adkaysiga iyo dadaalka ay muujiyeen intii ay ku jireen tababarka oo socday sagaal bilood.
Taliyaha ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay si xirfad leh oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda, ayna ilaaliyaan sharciga, nafta iyo hantida shacabka Kenya, dadka dalka ku nool iyo booqdayaasha.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda caafimaadka maskaxda iyo fayo-qabka saraakiisha, isagoo kula taliyay inay ka faa’iidaystaan adeegyada taageerada ee ay bixiso Adeegga Booliska Qaranka.
Dhanka kale, Taliyaha Guud ayaa uga mahadceliyay maamulka Kulliyadda Booliska Qaranka iyo macallimiinta doorkooda ku aaddan tababarka iyo diyaarinta ciidamada cusub.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Adeegga Booliska Qaranka ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Kenya, Eliud Lagat, saraakiil ka tirsan maamulka kulliyadda, taliyeyaasha cutubyada kala duwan iyo saraakiil kale oo sare.




