Dowladda Kenya oo dardargelinaysa dhismaha 8 xarumood oo warshadeed

0
29

Dowladda dalka ayaa dardargelinaysa dhammaystirka dhismaha iyo howlgelinta siddeedda xarumood ee ugu horreeya ee isku-ururinta iyo warshadaynta wax-soo-saarka ismaamulada dalka.
Xarumahan oo loo yaqaan CAIPs ayaa laga hirgelinayaa dowlad deegaanada Meru, Embu, Kirinyaga, Kisii, Busia, Migori, Garissa iyo Wajir, waxaana la sheegay inay ku dhow yihiin in la dhammaystiro, iyadoo sidoo kale socda diyaarinta adeegyada ay si wadajir ah u isticmaali doonaan ganacsatada iyo warshaduhu.
Dowladda ayaa sheegtay in la ururiyay agabka xarumahan looga baahan yahay, si loogu sameeyo wax-soo-saarka qiime dheeraad ah, halka sidoo kale la dhammaystirayo qorshayaasha lagu soo jiidanayo maalgashadayaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeyn doona xarumahaasi.
Horumarka barnaamijka CAIPs ayaa dib loo eegay, iyadoo sidoo kale saaka uu madaxweyne ku xigeenka dalka xaafadda Karen ku qabtay kulan isuduwid ah oo ay ka qeyb galeen Wasaaradda Maalgashiga, Ganacsiga iyo Warshadaha, guddoomiyeyaasha ismaamulada ay xarumuhu ka socdaan iyo hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada muhiimka ah.
Dowladdu waxay sheegtay in mashruucan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu dhisayo dhaqaale Kenya oo warshadaysan, iyadoo la kordhinayo qiimaha wax-soo-saarka gudaha, lana abuuro fursado shaqo iyo maalgashi.