Gachagua oo maamulayaasha dugsiyada sare ugu baaqay in ay dulqaad muujiyaan inta laga siinaya miisaaniyadda

0
427

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa maamulayaasha dugsiyada sare ee waddanka ku boorriyey in ay dulqaad muujiyaan inta ay dowladda dhexe ka soo saareysa miisaaniyadda loogu tala galay xarumaha waxbarashada.
Waxaa uu u xaqiijiyay in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta habsami u socodka howlaha tacliinta.
Arrintan ayuu Gachagua ka sheegay meertada 47-aad ee shirweynaha qaran ee sanadlaha ah ee ururka maamulayaasha dugsiyada sare oo lagu qabtay ismaamulka Mombasa.
Gachagua ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maamulayaasha dugsiyada dalka ay sida habboon u isticmaalaan kheyraadka dhaqaale ee ay dowladdu siiso.
Dib u dhaca ku yimid bixinta lacagaha dugsiyada sare ayuu u aaneeyay caqabado dhaqaale oo uu dalka wajahaya sida deymo badan oo lagu leeyahay iyo dakhliga oo hoos u dhacay.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa macallimiinta iyo ururrada waxbarashada sida KESSHA, KUPPET iyo KNUT ka codsaday in ay dowladda garab ku siiyaan dadaallada ay kula dagaallamaysa noocyada kala duwan ee maandooriyaha.