Falastiin oo dhaliil u jeedisay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka

0
222

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin oo bayaan soo saartay ayaa xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ku dhaliishay in dibloomaasiyadda uu ka wado Bariga Dhexe aynan ilaa iyo hadda horseedin natiijo la taaban karo.
Bayaanka wasaaradda waxaa qayb ka ah inay u muuqato in Israa’iil waqti dheeraad ah loo siinaya inay sare u sii qaaddo gardarrada ka dhanka ah shacabka Qaza.
Blinken oo hadda gobolka Bariga Dhexe ku maraya socdaalkiisi 6-aad ayaa shalay sheegay in Israa’iil iyo Xamaas ay sameynayaan horumar ku aaddan heshiis xabbad joojin .
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo shalay ku sugnaa boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta u sii gudbaya Masar.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu kulan la qaato wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka carbeed iyo sarkaal sare oo ka tirsan Falastiin.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ayuu Blinken ku sheegay inuu magaalada Jeddah kulan kula qaatay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan iyo wasiirka arrimaha dibadda Prince Faisal bin Farhan.
Waxay ka wada hadleen gargaarka baniaadannimo ee Qaza iyo in si degdeg ah loo kordhiyo gurmadka loo fidinaya Falastiiniyiinta.
Xoghayaha ayaa sheegay inuu mas’uuliyiinta Sacuudiga u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in Bariga Dhexe lagu soo dabbaalo nabad waarta.