Hogaamiyaha xisbiga DAP-K, Eugene Wamalwa, ayaa ugu baaqay in Guddiga Madax bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) uu si degdeg ah u jaro xiriirka uu la leeyahay shirkadda tiknoolajiyadda doorashooyinka ee Smartmatic ka hor doorashooyinka guud ee 2027.
Waxaa uu sheegay in kulan ay yeesheen xubnaha mucaaradka iyo guddiga IEBC toddobaadkii hore ay ku soo bandhigeen laba arrin oo u baahan in si deg deg ah loo xaliyo oo kala ahaa ka cayrinta shaqada madaxa fulinta ee IEBC Marjan Xuseen Marjan iyo in xiriirka loo jaro shirkadda Smartmatic.
Eugene Wamalwa ayaa sheegay in tiknoolajiyadda hore loo isticmaalay dalal kale ay shaki weyn ku abuureyso kalsoonida iyo ku habboonaanta doorashooyinka dalka, isagoo taageeray dadaalka lagu joojinayo heshiisyada ama ka qaybgalka shirkadda Smartmatic.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Eugene Wamalwa oo ugu baaqay IEBC inay xiriirka u jarto shirkadda Smartmatic




