Dadka deegaanka ee xaafadda Huruma ee magaalada Nairobi ayaa dhigay bannaanbax ka dib markii ay ka caroodeen toogasho ay geesteen booliiska taasoo ay ku dhimatay gabar.
Wararka ayaa sheegaya in gabadha la toogtay intii ay caawinaysay hooyadeed oo meherad kalluun iibin ah xaafadaas, iyadoo booliiska raadinayeen tuug la tuhunsan yahay kaas oo la sheegay in uu ku dhuumaaleysanayay agagaarka goobtaas.
Dadweynaha ayaa waddooyinka xiray taas oo ganacsatada ku khasabtay in ay goobaha ka cararaan.
Booliiska iyo hay’adaha ammaanka ayaa ugu dambeyn gaarey Huruma si ay xaaladda u dejiyaan isla markaana uga jawaabaan adeegyada degdega ah ee loo baahnaa.




