Eedeysane caan ku ahaa dhac oo lagu qabtay magaalada Kisumu

0
458

Booliiska deegaanka Bariga Kisumu ayaa gacanta ku dhigay nin loo maleynayo inuu ka tirsanaa koox dambiilayaal ah oo cabsi gelinayay shacabka Kisumu iyo deegaannada ku xeeran.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo James Kenneth Otieno ayaa lagu qabtay howlgal ay fuliyeen dambi baarayaal ka socda saldhigga booliiska ee Gita, ka dib maalmo xog ururin iyo dabagal sirdoon ku saleysan oo lagu bartilmaameedsanayey kooxdaas.
Waaxda baarista dambiyada ee (DCI) ayaa sheegtay in howlgalka la dardargeliyay ka dib markii la dilay nin kale oo lagu tuhmayay inuu la shaqeynayay Otieno, kaasoo ay dadweynaha ay dileen 23-kii bishan Janaayo, ka dib markii lagu qabtay mooto la xaday.
Booliiska ayaa rumeysnaa in Otieno uu weli haysto hanti la soo xaday, taasoo keentay in la weeraro gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Kajulu Gardens.
Intii uu socday baaritaanka guriga, ciidamada ammaanka ayaa soo helay saddex mooto, telefishin 65-inch ah oo nooca Hisense ah, haan gaas ah oo culeyskeedu yahay 12 kiilo, foorno gaas oo laba af leh, taleefanno kala duwan iyo qaybo ka mid ah mootooyin.
DCI-da ayaa xaqiijisay in qaar ka mid ah alaabta la helay ay durba aqoonsadeen milkiilayaashoodii saxda ahaa, halka inta kalena loo hayo caddeymo ahaan ilaa laga aqoonsanayo cidda leh.
Otieno ayaa haatan ku jira gacanta booliiska, waxaana lagu wadaa in maxkamadda la soo taago marka habraacyada sharciga ah la dhammeeyo.
Hay’adaha ammaanka ee ka wada shaqeeyay howlgalka ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah ciribtirka dambiyada iyo ilaalinta nolosha iyo hantida muwaadiniinta, iyaga oo sidoo kale ugu baaqay shacabka in aysan gacanta ku qaadan sharciga.