Koox looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday magaalada Hulugho ee ismaamulka Garissa, halkaasi oo ay ku dileen macalin lagu magacaabi jiray Steve Musili iyo guddoomiye xaafadeed lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Gani.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Udgoon Siyaad ayaa uga tacsiyadaysay qoyska dadkii kaga dhintay weerarka
Dhacdadan ayayna ku tilmaantay mid murugo leh.
Laamaha ammaanka wali wax faah faahin dheeraad ah ma aysan ka bixin weerarka ka dhacay Halugho ee Garissa.
Wararka ku soo kordha wararkaiyaga dambe ayaad kaga bogon doontaan Insha allah.




