Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ugu yaraan 20 bilyan oo shilin u adeegsan doonto in ciidamada ammaanka loo soo iibiyo qalab casri ah sidoo kalena sare loo qaado tiknolojiyadda ay adeegsadaan si loola tacaalo xagjirnimada iyo weerarrada argagixisannimo.
Waxyaabaha la soo iibinaya waxaa ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka iyo qalab ciidamada ka badbaadinaya khatarrada miinooyinka .
Arrintan ayuu ka sheegay kulamo wada tashi ah oo uu wasiirka la qaatay saraakiisha ammaanka, ciidamada sirdoonka, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta dowladda dhexe u qaabilsan maamulka deegaannada hoose ee ismaamullada Mandera iyo Wajeer oo uu shalay booqasho ku tagay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay maalgelin ku sameyn doonto wanaajinta daryeelka ciidamada ammaanka.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay 24-ka saacadood sugi doonto badqabka qandaraasleyda iyo injineerrada dhisaya mashaariicda muhiimka ee laga fulinaya gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhisidda waddooyinka muhiimka ah ee u dhexeya ismaamullada Garissa-Wajeer-Mandera iyo sidoo kale Lamu ilaa Mandera ay gobolka u horseedi doonto horumar iyo kobac dhaqaale.
Dowladda ayaa xoojisay iskaashiga kala dhexeya bulshada si meesha looga saaro kooxaha gaysta falal dambiyeedyada iyo xagjirnimada.
Met and held a consultative engagement with Mandera Central Sub-County Security and Intelligence Committee, National Government Administration Officers, Community and religious leaders.
Through collaborative partnerships with community and religious leaders, security agencies… pic.twitter.com/d3p70eCKd8
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) July 4, 2023
The Government will provide round the clock security to contractors and engineers working on key infrastructure projects in North Eastern Kenya and insulate them from criminal elements and extremists keen on sabotaging their operations.
Construction of key roads such as… pic.twitter.com/EAFSYWsLYW
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) July 4, 2023
Security briefing meeting with Wajir County Security and Intelligence Committee. pic.twitter.com/GPBZHPc8Sk
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) July 4, 2023




