Dowladda dhexe ayaa meesha ka saartay inuu jiro qorsho gudaha Kenya looga mamnuucaya isticmaalka barta bulshada ee TikTok.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda arrimaha dhallinyarada , farshaxanka iyo cayaaraha Ababu Namwamba.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay yeesheen hoggaamiyaasha bartan iyo madaxweynaha dalka William Ruto.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu qof dacwad geeyay baarlamaanka isagoo doonaya in la mamnuuco isticmaalka barta TikTok ee Kenya maadaama lagu faafiyo waxyaabo liddi ku ah anshaxa iyo mabaad’iida wanaagsan.




