Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka Julius Bitok ayaa cadeeyay in maamulayaasha dugsiyada ay si degdeg oo dhameystiran ku helayaan lacagaha laga qaado ardayda ee loo yaqaano fiiska ee lagu bixin doono nidaamka casriga ee e-Citizen.
Bitok ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay xaqiijin doonto in la is kula xisaabtamo maareynta lacagaha xarumaha waxbarashada ee dowliga ah guud ahaan wadanka.
Bayaan uu soo saaray ayuu xoghayaha ku sheegay in tallaabadan ay dardargelinaysa geeddisocodka bixinta qarashaadka tacliinta oo ayna xoojinaysa daahfurnaanta.
Waxaa uu intaasi ku daray in howshan lagu billaabi doono dugsiyada qaran ee loo yaqaano National Schools iyadoo dhanka kale la eegaya sida ay maamullada dugsiyada ugu hoggaansamayaan xeerarka laga doonaya.
1-dii bishan labaad ayay ahayd markii uu xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang uu shaaciyay qorshaha ay waalidiinta fiiska dugsiyada ku bixin doonaan hannaanka dhijitaalka ee e-Citizen halka ay horay si toos ah ugu xawili jireen akoonnada xarumaha kala duwan ee ay carruurtooda wax ka bartaan.
Kipsang ayaa xusay in agaasinka e-Citizen oo kaashanaya maamulka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee (ICTA), wasaaradda ICT-da iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo wasaaradda maaliyadda ay ka wada shaqeynayeen in dhammaan adeegyada dowladda lagu wareejiyo hannaanka casriga ee e-Citizen si loo fududeeyo bixinta adeegyada bulshada.
Waxaa uu dhammaan maamulayaasha dugsiyada ku amray in ugu dambeyn berri oo ay taariikhdu tahay 6-da bishan labaad ay xafiiska agaasimaha guud ee waaxda tacliinta aasaasiga ah ee dalka u soo gudbiyaan macluumaadka akoonnada bangiyeed ee dugsiyadooda.
Bishii 6-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto amar ku bixiyay in dhammaan qarashaadka la xiriira adeegyada dowladda lagu bixiyo hal nidaam oo casri ah.
Hoggaamiyaha dalka oo go’aankaasi difaacayay ayaa sheegay in lagu xoojin doono uruurinta dakhliga , yareynta musuqmaasuqa iyo si guud wanaajinta adeegyada loo fidiyo kenyaanka.




