Dowladda oo baaq u dirtay ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU

0
273

Xoghayaha waaxda adeegyada caafimaadka Harry Kimtai ayaa ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ku boorriyay in ardayda bartay culuunta caafimaadka ee tijaabada shaqo ku guda jiro uu u oggolaado in ay shaqooyinkooda sii wataan.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiinta ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ay sheegeen in maamulka talada haya uunan ka dhabeyn waxyaabihii lagu heshiiyay.
Xoghayaha Guud ee ururkan Dr. Davji Atellah ayaa sheegay in ay 30-ka bishan oo berri ku beegan yeelan doonaan shir looga arrinsanaya tallaabada xigta.
Waxaa uu ardayda bartay culuunta caafimaadka ee maraya tijaabada shaqada ku boorriyay in aynan shaqo tagin ilaa iyo inta laga xallinaya tabashooyinkooda dhaqaale ee jira.
Has ahaate , xoghayaha waaxda adeegyada caafimaadka Harry Kimtai ayaa ka codsaday in ay aqbalaan ku shaqeynta qiimaha lacageed ee ay dowladdu u qoondeysay oo ah 70,000 oo shilin.
Kimtai ayaa baaqan diray xilli uu ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka u qaabilsan xisaabaadka ee PAC.
Waxaa la waydiiyay sababta aynan wasaaradda caafimaadka ee waddanka u tixgelin heshiiskii bishii Shanaad ee sanadkan lala saxiixday dhakhaatiirta ee soo afjaray shaqo joojintii socotay muddo 56 cishe ah.