Wafdi uu hoggaaminaya xildhibaanka Galbeedka Mandera oo shir uga qayb galaya Uganda

0
342

Waxaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala shir uga qayb galaya wafdi matalaya Kenya oo uu hor kacaya xildhibaanka deegaanka Galbeedka ismaamulka Mandera Aadan Xaaji Yuusuf
Shirka oo ay yeelanayaan xildhibaannada Bariga Afrika ayaa looga arrinsanaya helidda cunnada iyo nafaqada.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan wadajirka iyo fursadaha siman.
Kulanka ka socdo Kampala oo soo billowday 26-kii bishan ayaa ku eg berri.