Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) iyo jabhadda M23 ayaa ku saxiixday wadanka Qatar heshiis lagu joojinayo dagaalka ka socda bariga Congo.
Bayaanka ayaa Sabtida maanta ah lagu saxiixay magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar ka dib markii ay halkaas ku kulmeen wakiillo ka kala socday labada dhinac ee is hayay.
DRC iyo fallaagada M23 ee Rwanda ay taageerto ayaa dhex maray dagaal culus, oo ay soo qaaday kooxda M23 bishii Janaayo iyadoo ay dhaceen weerar dhiig badan ku daatay ,waxaa ayna sido kale la wareegeen labada magaalo ee ugu waaweyn DRC.
Iskahorimaadka socday tobanaan sano wuxuu salka ku hayay xasuuqii Ruwaanda ee dhacay sanadkii 1994-dii, iyadoo M23 ay ka koobnaayeen dagaalyahannada qowmiyadda Tutsiga.
Dagaalladan ayaa waxaa ku dhintay kumannaan kun oo ruux, iyadoo boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen, tan ayaa sare u qaaday in dagaal uu ku fido Gobolka.




