Diyaarado ciidamada Maraykanku leeyihiin oo ku burburay Kuwait

0
485

Wasaaradda Difaaca Kuwait ayaa sheegtay in “tiro ka mid ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay saaka soo dhaceen.”
Shaqaalihii diyaaradaha ayaa “ka badbaaday iyaga oo aan wax dhaawac ah soo gaarin,” sida ay wasaaraddu sheegtay, waxaana la daadgureeyay loona qaaday isbitaallo si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo. Waxay sidoo kale xaqiijisay in xaaladda shaqaaluhu ay tahay “mid deggan.”
Wasaaradda Difaaca ayaa intaas ku dartay inay la shaqaynayso xulafadeeda Mareykanka si loo ogaado “duruufta dhacdadan,” isla markaana ay sii wado baaritaanka “sababaha keenay shilka