Dhowr qof oo lagu xiray deegaanka Dagoretti ka dib weerar lagu qaaday saraakiisha dowladda Nairobi

0
406

Dhowr qof oo ka shaqeeya dukaamada khamriga sharci darrada ah ee deegaanka Koonfurta Dagoretti ayaa la xiray ka dib markii la sheegay in la weeraray saraakiisha dowladda hoose ee Nairobi.
War saxaafadeed uu Talaadadii soo saaray ayuu Madaxa Waaxda Deegaanka Nairobi Geoffrey Mosiria ku sheegay in shakhsiyaadka la sheegay inay shaqaaleysiiyeen kooxo tuugo ah si ay u weeraraan saraakiil ka tirsan dowladda Nairobi oo booqday xarunta si loo hubiyo u hoggaansanaanta xeerarka deegaanka.
Mosiria ayaa sidoo kale xusay inuu helay cabashooyin badan oo ka yimid dadka deriska la ah oo ku saabsan buuqa xad dhaafka ah ee ka imanaya xarunta.
In kasta oo digniino badan laga bixiyay yareynta buuqa goobta lagu caweeyo, haddana maamulka ganacsiyada ayaan u hoggaansamin.
Howlgalka lagu soo qabtay shaqsiyaadkan ayaa waxaa hormuud ka ahaa saraakiil ka tirsan Guddiga Shatiyada Khamriga oo kaashanaya booliiska.
Mosiria ayaa sidoo kale sheegay in kormeeraha guud ee xaruuntan dhawaan la soo taagi doono maxkamadda.
Xiritaanka dukaanka ayaa yimid xilli dowladda ismaamulka Nairobi ay xoojisay howlgalkeeda ka dhanka ah ganacsiyada aan u hoggaansanayn xeerarka deegaanka, gaar ahaan marka la eego qashinka iyo buuqa xad daafka ah.