Dhimashada ka dhalatay dhismihii Eastleigh ku dumay oo gaartay siddeed qof, iyadoo lix meyd oo kale laga soo saaray burburka

0
80

Kooxaha gurmadka ayaa lix meyd oo kale ka soo saaray burburka dhismihi ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi. Tallaabadan ayaa tirada dadka la xaqiijiyay inay dhinteen ka dhigeysa siddeed qof, iyadoo weli ay socdaan dadaallada lagu raadinayo dadka la rumeysan yahay inay ku hoos xanniban yihiin burburka dhismaha.
Xildhibaanka deegaanka Kamukunji, Yusuf Hassan, ayaa maanta xaqiijiyay in lixda meyd ee cusub la helay. Wuxuu sheegay in warkani uu murugo weyn ku yahay qoysaska muddada sugayay xog ku saabsan eheladooda la la’yahay.
Meydkan cusub ee la helay ayaa yimid laba maalmood kaddib markii kooxaha gurmadku ay burburka ka soo saareen meydka haweeney labaad, xilligaas oo tirada dadka la xaqiijiyay inay dhinteen ay ahayd ugu yaraan laba qof.
Ciidanka Booliska Qaranka Kenya (NPS) ayaa hore u xaqiijiyay in afar qof ay noolol looga soo badbaadiyay dhismaha dumay. Koox ka kooban hay’ado kala duwan ayaa weli goobta ka wada hawlgallada baadi-goobka iyo samatabbixinta.
Meydkii ugu horreeyay, kaas oo sidoo kale ahaa haweeney, ayaa la helay 30-kii Oktoobar, sida uu sheegay Hassan. Xildhibaanka ayaa markaas ugu baaqay hay’adaha maareynta musiibooyinka inay xoojiyaan dadaallada lagu soo badbaadinayo dadka weli ku hoos jira burburka.
Meydka cusub ee la helay ayaa muujinaya in tirada dhimashadu sii kordheyso, inkastoo mas’uuliyiintu aysan weli soo saarin tirakoob rasmi ah oo cusub oo ku saabsan khasaaraha. Sidoo kale, weli lama oga tirada saxda ah ee dadka maqan.
Booliska ayaa sheegay in kooxo ka socda hay’ado kala duwan ay iska kaashanayaan hawlgalka. Waxay sidoo kale shacabka ka codsadeen inay ka fogaadaan goobta musiibadu ka dhacday, si shaqaalaha gurmadka iyo qalabka gaarka ah ay hawshooda ugu gutaan si ammaan ah.
Hassan ayaa horay ugu baaqay in hawlgalka gurmadka loo helo agab iyo taageero dheeraad ah si loo dedejiyo samatabbixinta, isagoo sheegay in qoysasku ay welwel iyo cabsi ku sugayaan war ku saabsan eheladooda.
Hawlgalka baadi-goobka ayaa weli diiradda saaraya sidii loo soo saari lahaa dadka la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismaha.