Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aden Duale, ayaa sheegay in dalka uu wajahayo dhaqaale yari dhan 15 bilyan oo shilin oo loogu talagalay hirgelinta qorshaha qaran ee la-dagaallanka cudurka duumada.
Duale ayaa ugu baaqay dowladaha Afrika inay kordhiyaan maalgelinta gudaha, xilli ay hoos u dhacayso taageerada dhaqaale ee caalamiga ah ee barnaamijyada caafimaadka.
Wuxuu sheegay in Kenya ay sannad kasta u baahan tahay 17.7 bilyan oo shilin si ay u hirgeliso qorshaheeda la-dagaallanka duumada, balse sannadkan miisaaniyadeed ay haysato 2.66 bilyan oo keliya, taas oo ka dhigaysa dhaqaale loo baahanyahay 15.04 bilyan oo shilin.
Duale ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, isaga oo Madaxweyne William Ruto ku metelayey shir heer sare ah oo looga hadlayay ciribtirka duumada, kaas oo ka dhacay magaalada Gaborone ee dalka Botswana.
Shirka waxaa ka qaybgalay hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyo wakiillo ka socday waaxaha caafimaadka, kuwaas oo ka wada hadlay maalgelinta, iskaashiga iyo xeeladaha lagu ciribtirayo cudurka duumada.
“Kenya waxay u baahan tahay 17.7 bilyan oo shilin sannad kasta si ay u hirgeliso qorshaheeda duumada, halka lacagta sannadkan loo hayo ay tahay 2.66 bilyan, taas oo ka dhigan in 85 boqolkiiba miisaaniyaddii loo baahnaa ay dhiman tahay,” ayuu Duale ku sheegay qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada.
Wuxuu sheegay in dhaqaale yaraantani ay halis gelin karto dadaallada lagu sii xoojinayo horumarka laga sameeyey la-dagaallanka cudurka, gaar ahaan xilli aan la hubin joogtaynta taageerada dhaqaale ee caalamiga ah.
Wasiirka Caafimaadka ayaa dowladaha Afrika ugu baaqay inay dhaqaale dheeraad ah ka soo ururiyaan gudaha dalalkooda, xoojiyaan iskaashiga, isla markaana maalgashadaan wax-soo-saarka gudaha ee dawooyinka muhiimka ah, shabaqyada kaneecada iyo agabka kale ee caafimaadka.
Duale ayaa sheegay in Kenya ay hoos u dhac ku diiwaangelisay kiisaska la xaqiijiyey ee duumada, kuwaas oo ka soo yaraaday 5.54 milyan sannadkii 2023, una dhacay 3.64 milyan muddadii ku ekayd Sebtembar 2026, taas oo muujinaysa hoos u dhac dhan 34 boqolkiiba.
Wuxuu sidoo kale sheegay in kiisaska duumada ee carruurta ka yar shan sano ay hoos uga dhaceen 194 kiis ilaa 119 kiis halkii kun ee carruur ah.
Dhibaatada dhaqaale ee Kenya ka haysata la-dagaallanka duumada ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan cadaadiska iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ee barnaamijyada caafimaadka.




