Abdul El-Sayed oo taariikh cusub ka dhigay Mareykanka, noqday Muslimkii ugu horreeyey ee loo doorto Senate-ka

0
135

Musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga, Abdul El-Sayed, ayaa taariikh cusub ka dhigay Mareykanka, kadib markii uu doorashada Senate-ka uga adkaaday musharraxa Jamhuuriga, Mike Rogers, gobolka Michigan.
El-Sayed, oo ah dhakhtar asal ahaan Masaari ah isla markaana ka mid ah siyaasiyiinta garabka horumarka doonka ah, ayaa guushan gaaray inkastoo ololihiisa doorashada uu la kulmay weerarro Islaam naceyb ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa marar badan weeraray El-Sayed, isagoo xitaa ku tilmaamay inuu yahay “jihaadiiste”.
Intii uu khudbad ololaha doorashada ka jeedinayey Michigan, Trump ayaa sheegay in El-Sayed uu noqon lahaa senator-ka keliya ee baaritaan amni oo biraha lagu ogaado la marsiinayo ka hor inta uusan gelin Senate-ka.
El-Sayed ayaa sidoo kale ka gudbay caqabado kaga yimid xisbigiisa dhexdiisa. Haley Stevens, oo looga adkaaday doorashadii hordhaca ahayd ee Dimuqraadiyiinta bishii Agoosto, ayaa taageertay musharraxa Jamhuuriga ee Mike Rogers.
Isagoo ku dhawaaqay guushiisa, El-Sayed ayaa sheegay in awoodda Mareykanku aysan ku jirin qarinista khaladaadkiisa, balse ay ku jirto geesinimada lagu saxayo.
Wuxuu sidoo kale dhaliilay siyaasadda dagaallada dibadda ee Mareykanka, isagoo sheegay inaysan sax ahayn in canshuuraha shacabka lagu bixiyo duqeynta carruurta iyo dadka dalal kale ku nool, halkii loogu adeegsan lahaa daryeelka iyo horumarka shacabka Mareykanka.
Guushiisa ayaa El-Sayed ka dhigaysa Muslimkii ugu horreeyey ee taariikhda Mareykanka loo doorto Aqalka Senate-ka.