Wasaaradda Caafimaadka Kenya oo ka digtay in Cetirizine si khaldan loogu isticmaalo xubinta taranka dumarka

0
61

Wasaaradda Caafimaadka Kenya, iyada oo adeegsanaysa Guddiga dawooyinka , ayaa shacabka uga digtay wararka baraha bulshada ku faafaya ee sheegaya in daawada Cetirizine loo isticmaali karo qaab dhismeedka xubinta taranka dumarka.
War-saxaafadeed ay soo saareen 4-tii Nofeembar ayay ku caddeeyeen in Cetirizine loogu talagalay daaweynta xasaasiyadda, isla markaana aanu jirin wax caddayn cilmiyeed ah oo muujinaya inay siyaabahaasi loo isticmaalo.
Ururka dhakhaatiirta ku takhasusay daawooyinka iyo isticmaalkooda ee PSK ayaa isaguna sheegay in kiniinnada daawadan loogu talagalay in la liqo, ee aan xubinta taranka dumarka la gelin. Waxay ka digeen in isticmaalka noocaas ahi keeni karo xanuun, dhaawac iyo caabuq.
Dadka daawada si khaldan u isticmaalay ee la kulma xanuun, dhiig-bax, cuncun, gubasho ama dheecaan aan caadi ahayn ayaa lagula taliyey inay raadsadaan daryeel caafimaad.
Shacabka ayaa lagu boorriyey inay daawada u isticmaalaan oo keliya ujeeddada loogu talagalay, ayna talo caafimaad ka raadsadaan xirfadlayaal aqoon u leh.