Ururka Dhakhaatiirta Caafimaadka laanta Nairobi ee (KMPDU) ayaa hakiyay shaqo joojintii ay ku guda jireen muddo 45 maalmood ah .
Tan ayaana curyaamisay adeegyada caafimaadka ee magaalada.
Ururka Dhakhaatiirta Caafimaadka Nairobi ayaa sheegay in ay shaqadooda dib ugu laabanyaan ka dib markii ay aqbaleen amar maxkameed oo ku aaddanaa in dhakhaatiirta iyo maamulka Nairobi ay heshiis ka gaaraan shaqo joojinta bahda caafimaadka.




