Dad lagu dilay ismaamulka Turkana

0
363

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu toogtay oo lagu dilay weerar burcadnimo oo ka dhacay aagga Aroo, Kainuk, ee ismaamulka Turkana.
Dhimashada waxaa ku jiray saddex xoolo dhaqato ah iyo hal qof oo wadada marayay. Dhammaantood waxaa lagu toogtay meel u dhow tuulada Kakong.
Warar kale ayaa tilmaamaya in laba qof oo kale lagu dilay isla aaggaas iyadoo xiisaddu ay sii kordhayso.
Tiro aan la garanayn oo dabley ah ayaa weerartay tuulada waxayna xadeen 500 oo riyo ah.
Tani waxay ahayd ka dib markii ay toogteen oo ay dileen saddex xoola dhaqato ah, sida ay booliisku sheegeen.
Ciidamada kaydka ah iyo booliisku waxay ka jawaabeen goobta dhacdada, taasoo keentay is rasaasayn ku qasabtay ragga hubaysan inay ka tagaan riyaha oo ay ka cararaan.
Booliska ayaa Saaka wada hawlgalo lagu beegsanayo burcadda