DHEGEYSO:Shaqo joojinta bareyaasha jaamacadaha dalka oo weli socoto

0
794

Waxaa maalinkii 37-aad socoto shaqo joojinta ay ku guda jiraan bareyaasha jaamacadaha dowliga ah ee dalka.
Waxay dowladda sare ku eedeynayaan in ay fududaysanaysa saameynta shaqo joojinta.
Mary Chepkwemoi oo ka mid ah bareyaasha jaamacadda Moi ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegtay in aynan fasallada dib ugu laaban doonin ilaa iyo inta laga fulinaya dalabaadkooda oo ay ka mid tahay mushaar kordhin.
Waxay su’aal gelisay in dowladdu ay qiimeynaysa tacliinta sare iyo in kale.