Guud ahaan dalka oo ka bilaabmay imtixaannada KPSEA iyo KJSEA ee sannadka 2026

0
89

Waxaa guud ahaan dalka Kenya ka billowday qiimeynta waxbarashada dugsiyada hoose ee KPSEA iyo tan dugsiyada dhexe ee KJSEA ee sannadka 2026, iyadoo guud ahaan 3,634,846 arday ay isu diiwaangeliyeen qiimeynta iyo imtixaannada qaran ee sannadkan.
Wasiirka Waxbarashada Kenya, Julius Ogamba, ayaa goob joog ka ahaa furitaanka weel lagu kaydiyo waraaqaha imtixaannada oo yaalla xafiiska ku-xigeenka guddoomiyaha degmada Makindu, xilli diyaargarowga imtixaannada dalka oo dhan uu marayo heerkii ugu dambeeyay.
Furitaanka iyo qaybinta agabka imtixaannada ayaa astaan u ah bilowga qiimeyntan, taas oo lagu qabanayo xarumaha imtixaannada ee dalka oo dhan, iyadoo ay kormeerayaan Golaha Qaranka ee Imtixaannada Kenya (KNEC) iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiir Ogamba ayaa sheegay in dowladda ay dejisay qorshayaal lagu xaqiijinayo in imtixaannadu si habsami leh u dhacaan, isla markaana dhammaan ardaydu helaan fursad caddaalad ah oo ay ku muujiyaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen.
Wasiirku wuxuu ardayda u fariisanaysa imtixaannada KPSEA iyo KJSEA ugu baaqay inay kalsooni iyo anshax ku galaan imtixaannada. Sidoo kale, wuxuu waalidiinta iyo dadka ardayda masuulka ka ah ka codsaday inay carruurta siiyaan dhiirrigelin iyo taageero nafsiyeed inta uu socdo imtixaanku.
Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay diyaarisay qorshayaal lagula tacaalayo caqabadaha ka dhalan kara xilli-roobaadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin roobab xooggan, fatahaado, amni-darro iyo waddooyin ama dhul ay adag tahay in la maro.
Ogamba ayaa xusay in dowladda ay iskaashi la sameyneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka, KNEC iyo hay’adaha kale ee ay khusayso, si wax looga qabto xaalad kasta oo carqalad ku noqon karta habsami u socodka imtixaannada.
Wasiirka ayaa sidoo kale digniin adag u diray cid kasta oo ku lug yeelata khiyaano ama wax isdaba marin la xiriirta imtixaannada, isagoo caddeeyay in dowladda aysan aqbali doonin falalka noocaas ah.
Wuxuu sidoo kale uga digay waalidiinta, ardayda iyo shacabka inay ku kadsoomaan dadka khiyaanada sameeya ee sheeganaya inay heli karaan waraaqaha imtixaannada ka hor waqtigooda, iyagoo lacag ku beddelanaya helitaanka waraaqahaas.
Ogamba ayaa ammaanay Golaha Qaranka ee Imtixaannada Kenya (KNEC), Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC), Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka, Ciidanka Booliska Qaranka, macallimiinta iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka qayb qaatay diyaarinta imtixaannada iyo qiimeynta qaran ee sannadkan.
Ugu dambayn, wasiirka ayaa ardayda u rajeynayay guul, isagoo ku boorriyay inay imtixaannada u galaan kalsooni iyo anshax, isla markaana ka faa’iideystaan fursadda ay ku muujinayaan aqoontooda.
Wasiirku wuxuu sidoo kale guul u rajeeyay ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Kenya (KCSE), kaas oo hore u billowday, iyadoo ardaydu isu diyaarinayaan imtixaannada waaweyn ee qoraalka ah ee toddobaadka soo socda.