Raa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uusan madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, jeclayn in taariikhdiisa siyaasadeed ay ku soo dhammaato dhacdooyinkii shalay ka dhacay Baydhabo. Waxaa uu xusay in siyaasiyiinta taageersan Laftagareen ay laba saac gudahood isugu hambalyeeyeen arrin uu ku tilmaamay mid muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay siyaasaddooda.
Raa’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu jirto dowladda federaalka, isla markaana shacabka Koonfur Galbeed ay heli doonaan hoggaan ay si xor ah u doortaan. Waxaa uu tilmaamay in tan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka hufan.
Xamse Cabdi Barre ayaa hadalladan ka jeediyay munaasabad lagu guddoonsiinayay abaalmarinno ku guuleystayaashii tartanka Daaci, halkaas oo uu sidoo kale ku bogaadiyay dhallinyarada ka qayb qaadatay tartankaas.
Home Wararka Soomaaliya DHEGEYSO:Raa’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in Baydhabo si buuxda gacanta ugu jirto...




