Booliiska oo lagu amray inay maxkamadda hor keenaan haweeney Soomaaliyeed oo lala xiriirinayo ka ganacsiga carruurta

0
262

Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ayaa amar ku siisay booliiska inay soo qabtaan oo maxkamadda hor keenaan haweeney Soomaali ah oo lala xiriirinayo ka ganacsiga carruurta, iyadoo lagu wargeliyay in la hor keeno maxkamadda ka hor 16-ka bisha April ee sanadkan. Haweeneydan oo lagu magacaabo Ayaan Maxamed Afra ayaa la doonayaa inay ka jawaabto eedeymo ku saabsan tacaddi ay u geysatay gabar 13 jir ah oo la sheegay inay sanadkii hore ka keentay Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Afra ay gabadha yar garaacday taasoo sababtay dhaawac iyo dhibaato caafimaad. Kiiskan ayaa sidoo kale la xiriira eedeymo ka ganacsi carruur, iyadoo la sheegay in gabadha yar loo adeegsaday shaqo guri muddo bilo ah.
Afra oo hore loogu waday inay hor tagto Garsooraha Sare ee maxkamadda Cherono Kesse ayaan soo xaadirin maxkamadda, taasoo keentay in la soo saaro amar qabasho. Waxaa la sheegay inay ka faa’iidaysatay dammaanad booliis oo dhan 20,000 oo shillin oo lagu siiyay saldhigga dhexe ee Eldoret, ka dibna ay baxsatay.
Intii ay socotay dhageysiga, waxaa la ogaaday in eedeysanaha meel aan la garanayn ay ku maqan tahay, halka gurigeedii ku yaallay xaafadda Mwanzo uu maran yahay tan iyo markii ay baxsatay. Sarkaal ka tirsan waaxda baarista dambiyada ee DCI-da ayaa maxkamadda u sheegay in haweeneyda ay weli baxsad tahay.
Mas’uul ka tirsan adeegga carruurta ee deegaanka Turbo ayaa maxkamadda u sheegtay in gabadha yar la dhibaateynayay siddeedii bilood ee u dambeeyay. Kiiska ayaa iftiimay ka dib markii gabadha ay arrinteeda u sheegtay deris, kaasoo wargeliyay booliiska, taasoo keentay in la soo xiro haweeneyda ka hor inta aysan baxsan. Garsooraha ayaa amartay in gabadha la geeyo Isbitaalka Guud ee Moi si loo daaweeyo, isla markaana lagu qoro dugsi diini ah inta dacwadda la sugayo.