DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo sheegay inuu furi doono waddooyiin kale oo casiri ah

0
765

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa daah-furay mashruuca wadada isku xirta Rironi-Nakuru iyo Mau Summit kaas oo la filayo inuu fududeeyo isku socodka gaadiidka inta u dhexeeysa Gobolada Nairobi, Rift Valley iyo Galbeedka Kenya.
Maalgashigan oo ku kacaysa 170 bilyan oo Shilin ayaa sidoo kale la filayaa inuu kor u qaado ganacsiga gobolka iyadoo la fududeynayo xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Dalalka kale ee Bariga Afrika.
Sida laga soo xigtay Madaxa Dowladda, tani waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha maamulkiisa ee wax ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaa uu sido kale madaxweyne Ruto ballanq aaday in uu furi doono waddooyiin kale oo casri ah ee sanadka cusub.