DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la xoojiyo hufnaanta

0
71
Madaxweynaha dalka Dr.William Rutoiyo wafdi uu hoaaminayey oo ku sugnaa ismaamulka Meru

Madaxweynaha dalka Dr.William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Meru ayaa soo jeediyay in iyadoo la dhisaya dugsiyo wanaagsan aan dhanka kale loo baahnayn in la dayaco wanaajinta habdhaqanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay qasab tahay xoojinta hufnaanta , xilkasnimada iyo qiyam adag oo ay lahaadaan dhallinyarada.
Waxaa uu waalidiinta kula taliyey in ay si firfircoon qayb uga noqdan nolosha ubadkooda, ay bartaan saaxiibbada carruurtooda, ay fahmaan himilooyinkooda iyo caqabadaha haysta sidoo kalena ay u dabbaal degaan guulahooda.
Hoggaamiyaha qaranka oo ka qayb galay xuska sanadguuradii 60-aad ee aasaaska dugsiga sare ee wiilasha ee Burieruri oo ku yaalla deegaanka Bartamaha Igembe ee ismaamulka Meru ayaa sheegay in dugsigaasi loo dhisaya 30 fasal oo casri ah, sheybaarro qalabeysan iyo qaybta shirarka.
Madaxweyne William Ruto oo markii dambe la hadlay shacabka deggan magaalada Maua ayaa dadweynaha ka codsaday in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Sidoo kale , waxaa uu ka hadlay dib u dhiska buundada ay horay shilalka uga dhaceen ee Nithi Bridge.

Madaxweyne Ruto ayaa garabka mucaaradka ku dhaliilay inuu ku howlan yahay siyaasadda kala qaybinta rayidka iyo adeegsiga qabyaaladda.

Dhanka kale , madaxweynaha dalka ayaa difaacay qorshaha uu maamulkiisa Imenti oo ka tirsan ismaamulka Meru uu uga dhisaya madaxtooyo yar isagoo sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda horumarka.

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Abraham Kithure Kindiki ayaa isna sheegay in qowmiyadda deggan Meru aynan marnaba oggolaan doonin in siyaasad ahaan la xaqiro oo loo weeciyo dhanka mucaaradka.