Iiraan oo weerarro ku qaaday Baxrayn iyo Kuweyt ka dib duqeymo Mareykanka uu ka fuliyey xeebaha dalkaas

0
141
Sawirkan oo la qaaday 3-dii Juun 2026 ayaa muujinaya saraakiil Kuweyti ah oo kormeeraya burburka ka dhacay gudaha terminal ka mid ah Garoonka Caalamiga ah ee Kuwait

Iiraan ayaa sheegtay in marin biyoodka Hormuz uu weli si buuxda ugu jiro gacanteeda 30-ka maalmood ee soo socda, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbas Araghchi uu ka digay in weerarro kale oo uu Mareykanka uu qaado ay sii xumeyn doonaan xaaladda cakiran ee gobolka. Hadalkan ayaa yimid xilli xiisadda ay sii kordhayso ka dib iska horimaadyo milatari oo u dhexeeya labada dal.
Mareykanka ayaa maalintii labaad oo xiriir ah duqeymo ka fuliyey Iiraan, isagoo bartilmaameedsaday Jasiiradda Qeshm iyo magaalooyinka Sirik iyo Bandar-e Lengeh. Weerarradan ayaa dhacay ka dib weerar diyaarado aan duuliye lahayn lagu qaaday markab ganacsi oo marayey meel u dhow Marinka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga shidaalka adduunka.
Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Baxrayn iyo Kuweyt, iyadoo uga digtay Xukuumadda Washington inay wajihi doonto jawaab adag haddii duqeymaha la sii wado. Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyey Iiraan inay jebisay heshiis is afgarad ah oo u dhexeeyey labada dal, waxaa uuna ku hanjabay in Mareykanka uu sii wadi doono tallaabooyinka militari haddii loo baahdo.