DHEGEYSO:Macallimiinta aan deegaanka ahayn ee Waqooyi Bari oo TSC ka codsay bedelaad shaqo

0
389

Macallimiinta aan u dhalan deegaanka ee ka shaqeeya Waqooyi Bari dalka ayaa hadda ka codsanaya Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC) in shaqooyinkooda laga wareejiyo gobolka, si looga fogaado in xirfadlayaal aan waxba galabsan la dilo. Codsigan ayaa yimid ka dib markii qoyska macallinka la dilay uu shaaca ka qaaday inuu ka badbaaday weerar iyo hanjabaad hore, islamarkaana uu muujiyay cabsi ku saabsan badbaadadiisa iyo amnigiisa.
Qoyska macallin Stephen ayaa warbaahinta u sheegeen in uu TSC ka codsaday bedelaad shaqo balse codsigiisa la iska indho tiray.