DHEGEYSO:Eugene Wamalwa oo ku booriyay Kenya Kwanza inay fuliyaan ballanqaadyadii doorashada

0
341

Hoggaamiyaha xisbiga DAP-K Eugene Wamalwa ayaa ugu baaqay dowladda Kenya Kwanza inay diiradda saarto fulinta ballanqaadyadii doorashada halkii ay ka soo jiidan lahayd hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Wamalwa ayaa hadalkan ka sheegay ismaamulka Trans Nzoia, isagoo ku dhaliilay dowladda inay ka mashquushay siyaasadda halkii ay ka qaban lahayd ballanqaadyadii ay shacabka u samaysay.
Waxaa uu sheegay inuu ka mid yahay musharaxiinta u tartamaysa madaxtinimada dalka 2027 isaga oo matalaya isbahaysiga mucaaradka, isla markaana uu diyaar u yahay inuu si toos ah ula tartamo madaxweyne William Ruto.
Dhanka kale, xildhibaanka deegaan doorashada Bumula Jack Wamboka ayaa sheegay in gobolka Galbeedka dalka ay tahay inuu soo saaro musharrax madaxweyne marka la gaaro doorashada 2027, isagoo ku baaqay midnimo siyaasadeed oo gobolka ah si loo gaaro hadafkaas.