DHEGEYSO:IEBC oo ballan qaaday in doorashada ku celiska loo maareynaya si cadaalad ah

0
1109

Guddoomiye ku xigeenka IEBC Fahima Araphat ayaa shacabka ku nool deegaanka Ugunja ee ismaamulka Siaya iyo si guud kenyaanka u xaqiijisay in codeynta ay u maareynayaan si cadaalad ah.
Waxay dadweynaha ku boorrisay in ay doorashooyinka ku celiska ah ka qayb qaataan iyagoo nabadgalyada ku dadaalaya.
Dhanka kale , mas’uulka IEBC u qaabilsan maareynta doorashada ee deegaanka hoose ee Waqooyiga Kariobangi ee ismaamulka Nairobi oo ay doorasho ku celis ah ka dhacaysa Cabdi Roba ayaa ka warbixiyey sida ay maanta dadweynaha ugu soo baxeen codeynta.