Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa maanta ku dhawaaqay in dadka qaata mushahar ka yar 32,333 oo shilin Kenya ah bishii laga dhaafi doono canshuurta dakhliga, si loo kordhiyo lacagta u hartay marka laga jaro kharashaadka iyo waajibaadka kale.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in dowladda ay meesha ka saari doonto canshuurta boqolkiiba 25-ka ah ee lagu soo rogo taleefannada, isaga oo sheegay in tallaabooyinkani qayb ka yihiin dadaallada lagu dhimayo culayska nolosha ee haysta shacabka Kenya.
Ruto ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda 63-aad ee Maalinta haliyeeyada Kenya, oo lagu qabtay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Dhanka kale, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladdiisu ay fulisay dhammaan ballanqaadyadii ay shacabka u sameysay intii lagu jiray ololihii doorashada guud ee sannadkii 2022-ka.
Khudbaddiisa munaasabadda Mashujaa Day, ayuu madaxweynuhu xoogga ku saaray mashaariicda horumarineed iyo waxqabadka dowladdiisa, isaga oo faahfaahin ka bixiyay dadaallada ay sameysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.




