DHEGEYSO:Ururka Suxufiyiinta u qaabilsan arrimaha Dambiyada Kenya oo dalbaday baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan xarigga wariye Ode Francis

0
50

Ururka Suxufiyiinta ka faallooda arrimaha dambiyada ee Kenya, CJAK, ayaa cambaareeyay xarigga iyo weerarka la sheegay in loo geystay wariyaha telefishinka Citizen TV, Ode Francis, xilli uu tabinayay dibadbaxyo looga soo horjeeday sare u kaca qiimaha shidaalka ee bartamaha magaalada Nairobi.
Ururka ayaa dalbaday in si madax-bannaan loo baaro dhacdada, si loo ogaado sababaha keenay xarigga wariyaha iyo sida loola dhaqmay intii uu ku jiray gacanta booliska.
Bayaan uu ururku soo saaray galabta ayuu ku sheegay in sii deynta Ode ay tahay arrin wanaagsan, balse aanay meesha ka saarayn baahida loo qabo isla xisaabtan iyo in si buuxda loo caddeeyo wixii dhacay.
Wariye Ode Francis ayaa lagu xiray Kimathi Street, halkaas oo dadweynuhu uga cabanayeen kororka qiimaha shidaalka.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiil boolis ah oo aan xirnayn dareeska booliska ay xoog u adeegsadeen wariyaha, iyagoo dhowr jeer iska indho tiray aqoonsigiisa saxaafadeed.
Waxaa muddo kooban lagu hayay saldhigga dhexe ee booliska Nairobi, isaga oo ay la xirnaayeen qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada.
Wariyaha ayaa markii dambe la sii daayay.

Guddoomiyaha CJAK, Joseph Muraya, ayaa sheegay in suxufiyiintu ay xaq u leeyihiin inay tabiyaan dhacdooyinka dadweynaha iyaga oo aan la kulmin xarig ama dhaawac jireed inta ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.
Muraya ayaa ugu baaqay Adeegga Booliska Qaranka Kenya iyo Hay’adda Madaxa-bannaan ee Kormeerka Booliska, IPOA, inay baaraan sababaha keenay xarigga Ode, sida loola dhaqmay intii uu xirnaa, isla markaana ay aqoonsadaan saraakiisha laga yaabo inay ku lug lahaayeen weerar ama falal kale oo sharci-darro ah.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in qodobka 34-aad ee Dastuurka Kenya uu dammaanad qaadayo xorriyadda iyo madaxbannaanida warbaahinta, halka qodobka 29-aad uu qof kasta ka ilaalinayo rabshadaha, ha ahaadeen kuwa ay geystaan hay’adaha dowladda ama dad gaar ah.
Ururku wuxuu sidoo kale xusay in inkasta oo boolisku mas’uul ka yahay ilaalinta kala dambeynta dadweynaha, haddana waajibaadkaasi aanu cudurdaar u noqon karin cabsi-gelinta ama tacaddiyada loo geysto wariyeyaasha.
CJAK ayaa sheegay inuu sii wadi doono la socodka kiiska, isaga oo ugu baaqay hay’adaha ay khusayso inay xaqiijiyaan in suxufiyiintu si ammaan ah, cabsi la’aan ah, u gudan karaan waajibaadkooda shaqo.