Siyaasiyiin hadda xilal haya iyo kuwo hore oo ka soo jeeda 15 ka mid ah ismaamullada xoolo dhaqatada ee dalka ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku cambaareynayeen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxay ku dhaliileen hadal uu maalmo ka hor jeediyay oo aha a inuu aaminsan yahay si wayna ugu ololeyn doono in miisaaniyadda sanduuqa horumarinta deegaannada ee NG-CDF lagu qaybsado tirada codbixiyeyaasha.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in deegaan kasta uu helo miisaaniyad u dhiganta tirada codbixiyeyaasha ee halkaasi ka diiwaangashan.
Hasa ahaate siyaasiyiintan oo uu ka mid yahay xildhibaankii hore ee deegaanka Bura ee ismaamulka Tana River Cali Wario ayaa Rigathi Gachagua ku eedeyay in uunan muujin go’aan madaxweyne ku xigeen.
Waxay dalbanayaan in miisaaniyadda horumarinta deegaannada lagu saleeyo baaxadda dhulka oo aan lagu koobin tirada codbixiyeyaasha.