DHAGEYSO:Shacabka Ishakani oo ka cabanaya saameyn ay ciidamo ka soo baxsaday Somaaliya ay ku reebeen tuuladooda

0
429

Tuulada Ishakani ee ka tirsan ismaamulka Lamu ayaa waxay muddo maalmo hooyi u ahayd in ka badan 900 oo askari oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya.
Teleefishinka maxalliga ee Citizen TV ayaa ku warramay in saraakiishan ay u soo baxsadeen gudaha Kenya ka dib markii dagaal uu deegaanka Raaskoombooni ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed labo toddobaad ka hor.
Shacabka Ishakani ee dowlad deegaanka Lamu ayaa ka cabanaya haatan saameyn ay ciidamo ka soo baxsaday Somaaliya ay ku reebeen tuuladooda.
Waxaa ay sheegeen in burbur weyn uu soo gaaray dhismayaal aasaasi ah sida xarumo waxbarasho iyo musqulo oo muddo maalmo ah hooyi u ahayd ciidamada u soo baxsaday halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in hadda halkaasi uu ka dillaaci karo cudurka daacuunka.
Xilli ay warbaahinta u warrameen qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxaa hadalladooda ka mid ah.