Qoyska ganacsadaha Jimmy Mwanzia Mutava ayaa dowladda Kenya ka dalbanaya inay bixiso xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay, kaddib markii uu si lama filaan ah loo waayay tan iyo maalintii Isniinta.
Sida ay sheegeen ehelladiisa, Jimmy Mwanzia Mutava ayaa la waayay xilli uu kulan la lahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliiska.
Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka amniga (CCTV) ayaa muujinaya rag hubeysan oo si qasab ah ugu kaxeynaya Mutava gaari goobta ku sugayay, ka hor inta aysan halkaas ka wadin.
Tan iyo xilligaas, lama arag mana jirto wax xiriir ah oo uu la sameeyay qoyskiisa, iyadoo booliiskuna uusan weli xaqiijin inuu si rasmi ah u xiray iyo in kale.
Qoyska ganacsadaha ayaa dowladda ka dalbaday inay si degdeg ah u caddeyso waxa ku dhacay iyo halka uu ku sugan yahay, iyagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan badqabkiisa.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Qoyska ganacsade Jimmy Mwanzia Mutava oo dowladda Kenya ka dalbaday in la...




