Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaari doonta dacwad lagu hakinayo magdhowga dhibbanayaashii mudaharaadyadii Kenya

0
97

Garsooraha Maxkamadda Sare ee Kenya, Gregory Mutai, ayaa lagu wadaa inuu Jimcaha soo socda go’aan ka gaaro codsi lagu dalbanayo in la hakiyo geeddi-socodka magdhowga loo bixinayo dhibbanayaashii mudaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday.
Codsigan waxaa gudbiyay qaar ka mid ah dhibbanayaasha, kuwaas oo ka cabanaya in 35 qof oo la sheegay in loo geystay afduub iyo waayitaan qasab ah laga saaray liiska dadka xaqa u leh magdhowga.
Dacwad-oogayaashu waxay ku eedeeyeen guddiga khubarada ee uu hoggaamiyo Prof. Makau Mutua inuu si sharci-darro ah uga reebay 35-ka qof liiska dadka ka faa’iideysanaya magdhowga.
Sidoo kale waxay sheegeen in Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha Kenya (KNCHR) uu hore u xaqiijiyay islamarkaana ku daray 35-ka qof liiska 1,101 qof oo loo aqoonsaday inay u qalmaan magdhow, ka hor intii aan warbixinta loo gudbin guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Inkastoo KNCHR uu ka mid yahay dhinacyada dacwadda lagu soo daray, haddana wuxuu taageeray codsiga.
Qareenka guddiga, Cyrus Maweu, ayaa maxkamadda u sheegay in waajibaadkoodu ahaa ururinta iyo xaqiijinta liiska dhibbanayaasha, isla markaana aysan garanayn sababta 35-ka qof looga saaray liiska.
Dacwad-oogayaashu waxay sidoo kale maxkamadda ka codsadeen inay guddiga khubarada ku amarto inuu sharaxaad ka bixiyo sababta 35-ka qof looga saaray liiska magdhowga.
Dhankiisa, guddiga khubarada ayaa maxkamadda u sheegay in illaa iyo hadda la bixiyay lacag dhan 674 milyan oo shilin Kenya ah, taas oo la gaarsiiyay 505 qof oo ka mid ah dhibbanayaasha.